744 Views

Ciraaq: Xiisadda Iran iyo Sacuudigu waxa ay ku dhow in la soo afjaro

____________________________________________________________________________

 ShacabkaSabti: April 30, 2022

Ra’iisulwasaaraha Ciraaq Mustafa al-Kadhemi ayaa wareysi la daabacay Sabtida maanta ah ku sheegay in xiisaddii u dhexeysay dalalka Iran iyo Sacuudi Carabiya ay ku dhowdahay in la soo afjaro.

Ciraaq, oo deris la ah labadan dal, ayaa martigelisay ilaa shan wareeg oo wadahadallo ah oo lagu doonayo in dib loogu soo celiyo xiriirkii xumaaday ee Sacuudiga iyo Iran.

Ka dib wareegii ugu dambeeyay ee wadahadallada Baqdaad, saraakiisha Ciraaq ayaa ka dhawaajiyay rajjo isa soo taraya, oo ay kaga hadlayaan wareegga lixaad ee hadda socdo, iyagoo muujiyay in uu dib u soo laabanayo xiriirkii diblumaasiyadeed ee labada dal oo go’naa tan iyo 2016-kii.

“Walaalaheen Sucuudi Carabiya iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa wadahadalka u wajahaya si mas’uuliyad weyni ku jirto, taasi oo ay qasbeyso xaaladda hadda ka taagan gobolka” ayuu Kadhemi ku yiri wareysigan uu siiyay wargeyska ay dowladdu leedahay ee Al-Sabah.

“Waxa aan ku qanacsanahay in dib u heshiisiintu ay dhowdahay” taasi oo faa’iido u leh xasilloonida gobolka ayuu yiri Kadhemi oo ilo dublumaasiyadeed ay sheegeen in uu ka qeybgaleen wadahadalkii ugu danbeeyay.

Iran iyo boqortooyada Sacuudiga ayaa kala taageera kooxaha isaga soo horjeeda dagaallada gobolka oo ay ku jirto Yemen halkaasi oo ay Iran taageerto kooxda Xuutiyiinta, Sacuudiguna uu hoggaamiyo isbahaysiga dagaalka kula jira.

Sanadkii 2016-kii ayaa bannaanbaxayaal Iiraaniyiin ah waxa ay weerareen howlgalka dublumaasiyadda ee Sacuudiga ee Iran ka dib markii uu Sacuudigu dil ku fuliyay wadaad Shiica ah, Nimr al-Nimr.

Riyadh ayaa uga jawaabtay iyadoo jartay xiriirkii ay la laheyd Tehran.

AFP

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post