852 Views

Sarkaalkii loo Diray Dilkii Usaama Bin Laadin oo Alshabaab Ku Dileen Soomaaliya

Sarkaalkii loo Diray Dilkii Usaama Bin Laadin oo Alshabaab Ku Dileen Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Khamiis: May 5, 2022

Bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay gawaari kolonyo ah oo ay leedahay hay’adda sirdoonka Mareykanka ee C.I.A ayaa xilli habeennimo ah u baxay si ay usoo fuliyaan howlgal khaas ah oo lagu bartilmaameedsanayay mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha sar sare ee Al-Shabaab, balse sidii uu qorshuhu ahaa wax uma dhicin, sida lagu sharraxay maqaal uu qoray wargeyska New York Times.

Kolonyada oo ka baxay Muqdisho ayaa sii maray waddo xeebta barbar socota oo dhanka koonfureed ah, taasoo geyneysa dhulka ay gacanta ku hayaan xoogagga al-shabaab, oo sida uu wargeyskan xusay ka mid ah ururrada mintidiinta ee ugu halista badan qaaradda Afrika.

Tuulo badda dhinaceeda ah ayay gawaarida ku hakadeen, halkaasoo ay uga dageen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida ee iskaashanayay, waxayna durbadiiba weerar gaadmo ah ku qaadeen guri ay ku dileen dhowr xubnood oo mintidiinta ka mid ah, sida ay sheegeen saraakiil Soomaali ah.

Laakiin hal nin ayaa ka baxsaday goobtaas wuxuuna islamarkiiba soo laabtay isagoo si xowli ah u kaxeynaya gaari laga buuxiyay walxaha qarxa oo loogu talogalay ismiidaamin, wuuna qarxiyay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post