1365 Views

Ilhaan Cumar oo raali galin ka bixisay Twitter ay qortay.

Ilhaan Cumar oo raali galin ka bixisay Twitter ay qortay.
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 14, 2019 –Ilhaan Cumar oo ah gabadh Soomaali ah oo dhawaan ka mid noqotay Aqalka Congresska ee dalka Maraykanka ayaa raali galin ka bixisay Twitter ay qortay oo tilmaamaya in xildhibaannada Maraykanku ay Israa’iil u taageeraan ururrada u ol’oleeya awgeed.

Cambarayn ballaaran ayay kala kulantay in ay tilmaantay in ururka Aipac ee ay Yuhuuddu leeyihiin uu lacag ku bixiyo taageerada Israa’iil.

Xusbno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga iyo kan dimuqraadiga ayaa sheegay in Twitterkaasi uu sii hurinayo Yuhuud nacaybka.

Xildhibaannadan oo laga soo doorto Minnesota ayaa horay loogu eedeeyay Yuhuud nacayb.

Warnaahinta Khaliijka ma loollan ayay kula jirtaa Ilhan Cumar ?

Waxyaabaha taariikhda galay ee ku gedaaman dhaarinta Ilhaan Cumar

Doorashada xilliga dhexe ee Maraykanka: Soomaalida iyo siyaasadda

Ilhaan ayaa baahisay qoraal ay “si cad” raali galin uga bixinayso Twitterkii Isniintii, arrintaas oo u muuqata in ay dhacday ka dib markii ay wada hadleen gudoomiyaha aqalka Congress-ka Nancy Pelosi

“Yuhuud nacaybku waa wax dhab ah oo jira, waxaana abaal u hayaa xulafada Yuhuudda iyo saaxiibbada kale ee wax iiga bidhaamiyay taariikhda xanuunka badan ee Yuhuud nacaybka,” ayay tiri Ilhaan.

“Waa in uu markaste jiraa rabitaan ku saabsan in aad dib u istaagno aana ka fikirno dhaleecaynta la inoo soo jeediyo, sida aniguba aan u rajaynayo in dadku ay maqlaan marka kuwa kale ay aniga wax iga sheegaan.

Ilhaan waxay sheegtay in ay wali rumaysan tahay in kuwa ol’oleeya ay “dhibaato u keenaan” siyaasadda Maraykanka ama ha noqdo ururka Aipac ama NRA.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment