1170 Views

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galaya shirka Garowe (Dowladda Federaalka iyo qorshihii ay la tagi laheyd)

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galaya shirka Garowe (Dowladda Federaalka iyo qorshihii ay la tagi laheyd)
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  May  01, 201, 2019 —Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb galaya shirka ka furmi doona magaalada Garowe 2-da bisha May oo ku beegan maalinta berri oo Khamiis ah.

 

Wafdi horudhac ah oo isugu jira Wasiiro iyo howlwadeeno ka tirsan Xafiisyada Madaxda dowladda ayaa maanta tagaya magaalada Garowe, sidoo kale waxaa la filayaa in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay berri gelinka hore ay si kala gaar gaar ah u tagi doonaan garowe.

 

Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo La Taliyeyaashooda ayaa wadatashiyo ka lahaa waxyaabaha ay la tagayaan shirka Garowe, waxaana la sheegay in qorshayaal cad ay la tagi doonaan oo ku aadan hanaanka doorashooyinka ee dalka ka dhacaya 2020/2021.

 

Shirka Garowe oo uu horaantii todobaadkan ku dhawaaqay Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa ku casuumay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda Maamul goboleedyada inay shir wadatashi ka soo qeyb galaan.

 

Xubno ka tirsan Beesha Caalamka ayaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan shirkan, si ay kor-joogto uga noqdaan arrimaha looga hadlayo, isla markaana meesha looga saaro mad madowga siyaasadeed ee u dhaxeeyay muddooyinkii u dambeeyay dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada

 

Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa xaalada siyaasadeed, mida amniga ee dalka, geeddi socodka doorashooyinka, dhameystirka dastuurka qabyada ah iyo wada shaqeynta dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

 

Madaxda Villa Somalia ayaa la sheegay inay saluugsanaayeen qaabka shirka looga casuumay hab maamuus ahaan, hase ahaatee waxaa markii hore jiray cadaadis Beesha caalamka ku saareysay Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada inay shir isugu yimaadaan, kaddib markii uu baaqday shirar dhowr ah oo Madaxweynuhu ku baaqay

 

 

xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment