810 Views

Maamulka Galmudug Oo Amaro Kusoo Rogay Gaadiidleyda Kala Duwan

Maamulka Galmudug Oo Amaro Kusoo Rogay Gaadiidleyda Kala Duwan
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL October 07, |  2020
—Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa soo saartay amaro Cusub oo ku socda gaadiidleyda kala duwan ee ka howlgasha deegaanada maamulkaas.

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Galmudug Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud Dhiblaawe oo la hadlay warbaahinta ayaa ku amray dhammaan gaadiidleyda inay muddo Isbuuc ah iska diiwaan-geliyaan Xarumaha Wasaaradda.

Sidoo kale Wasiir Dhiblaawe ayaa sheegay in Wasaaradda Gaadiidka ay bilaabeyso bixinta sharciyada kala duwan ee gaadiidka, isla markaana laga doonayo gaadiidleyda inay qaatan, si loo ogaado gaadiidka ka shaqeya deegaanadooda.

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Galmudug Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud Dhiblaawe ayaa sheegay inay wadaan dadaalo lagu tayeenayo adeegyada gaadiidka ka shaqeeya deegaanadooda.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post