1098 Views

Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo bilaabatay

____________________________________________________________________________

Garoowe  | QOL | November 14, 2019–Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxaa goordhow ka bilaabatay doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland,kadib markii 7-dii Bishaan Baarlamaanka Maamulkaas ay xilkii ka qaadeen Cabdi Xakiin Dhoobo Daareed Guddoomiyihii Baarlamaanka Maamulkaas.

 

Ilaa Saddex musharax ayaa u taagan qabashada xilkaas,kuwaas oo  midkiiba uu doonayo in uu qabto xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland,isla markaana xalay ay olole ballaaran ka sameeyeen Magaalada Garoowe.

 

 

 

Musharixiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha oo dhamaantood katirsan Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa ay kala yihiin,Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil, Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Cali Dhahar) iyo Xildhibaan Cabdijamaal Cismaan Maxamed .

 

Musharixiinta u taagan qabashada xilka guddoomiyaha Baarlamaanka puntland ayaa haatan khudbadahooda mushjaarxnimo ay ka hor jeedinayaan Xildhibaannada, iyaga oo soo bandhigaya waxyaabaha ay qaban doonaan.

 

Ammaanka guud ee Magaalada Garoowe ayaa Maanta aad loo adkeeyey,waxaana sugaya Amniga ciidamada kala duwan ee Dowlad goboleedka Puntland.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Garoowe 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment