3345 Views

Sawirro:-Nin Tusbixii Ugu Dheeraa Caalamka U Sameeyey Madaxweyne Erdogan

Sawirro:-Nin Tusbixii Ugu Dheeraa Caalamka U Sameeyey Madaxweyne Erdogan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso 17, 2019 –C/llaahi Al-xaydar oo ku nool Degmadda  Barahmanabariya ee  dalka Bangaladesh ayaa la sheegay inuu Madaxweynaha Turkiga, Rajab Dayib Erdogan haddiyad ahaan ugu sameeyey Tusbax culayskiisu dhan yahay 67 kiilo iyo bar, dhererkiisuna dhan yahay 1.3 Kiilomitir.

Inkaasi ayaa sheegay inay muddo 2 bilood ku qaadatay sidii uu u tixi lahaa Tusbaxaasi oo ka kooban 167,500 oo mir ama xabbo oo ay midabkooda isugu jiraan cagaar, dahabi, madow iyo caddaan.

Qiimaha Guud ee Mirka lagu taxay Tusbaxaasi waxa uu dalka Bangaladesh ka joogaa 150,000 oo Lacagta laga isticmaalo dalkaasi ee TAKA oo u dhiganta  1,787 Dollarka Maraykanka.

Mar wax laga weydiiyey sababaha uu Tusbaxa ugu sameeyey Madaxweynaha Turkiga waxa uu  C/llaahi Al-xaydar sheegay inuu yahay Hoggaamiye u danqada Musslimiinta lagu dhibaateeyo Falastiin, Kashmiir, Mayanmar, Syria iyo Yemen

Waxa kale oo uu tilmaamay inuu jecel yahay inuu dhegeysto marka uu Madaxweyne Erdogan codka macaan ku akhrinayo Qur’aanka Kariimka iyo masjidyadda waa weyn ee uu ka dhisay dalal ku yaalla Qaaradaha Europe iyo Asia.

Xafiiska Qaranimo Online |Muqdisho

__________________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment