657 Views

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Guddoomiye cusub u magacaabay Hay’adda Waddooyinka Puntland

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo  Guddoomiye cusub u magacaabay Hay’adda Waddooyinka Puntland
____________________________________________________________________________

Talaado: November 30, 2021

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo  Guddoomiye cusub u magacaabay Hay’adda Waddooyinka Puntland ee (PHA).

Madaxweyne Deni ayaa Guddoomiyaha cusub ee Hay’adda Wadooyinka Puntland u magacaabay Cabdifataax Maxamed Sugulle oo Xoghaye u ahaa urur siyaasadeedka Mustaqbal.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhawaan xilka ka qaaday Guddoomiyihii PHA Cabdulqaadir Cali Xirsi, waxaana xilka KMG u hayay Guddoomiye Ku-xigeenka hay’addaas Cabdirisaaq Maxmed Xayir.

Hos ka akhriso wareegtada magacaabista

Garoowe: 29 November 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 47 ee November 29, 2021 kuna Saabsan Magacaabid Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: baahida loo qabo horumarinta Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland.

Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa Shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdifataax Maxamed Sugulle loo magacaabay Guddoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Dowladda Puntland.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna Saxiixay.


DHAMMAAD

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post