1380 Views

Akhriso:-Qodobada looga hadli doono Shirweyne ka dhacaya Magalada Muqdisho

Akhriso:-Qodobada looga hadli doono Shirweyne ka dhacaya Magalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Abriil 28, 2019 —Shirweynaha Badqabka Fikirka iyo la dagaallanka Xagjirnimada oo ay qabanqaabisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, maalgeliyayna Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa ka furmaya Muqdisho maalinta Isniinta ee berri ah.

 

Shir-weynaha waxaa ka qeybgalaya 12 wakiillo dowladeed oo xubno ka ah Ururka, 30 caalim oo ka socda wadamada Islaamka iyo 12 ka mid ah culimada diinta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed.

 

Qaar ka mid ah wakiillada dowladeed, xeel-dheerayaasha iyo khubarada arrimahan ayaa hadal ka jeedin doona shirka oo soconaya labada maalmood (29-30 April) , iyaga oo diiradda ku saari doona qaabka, ujeeddooyinka iyo farriimaha ku qotoma badqabka fikirka iyo la dagaallanka xagjirnimada.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment