1092 Views

Howlgallo xalay laga sameeyey Xaafado ka tirsan Muqdisho

Howlgallo xalay laga sameeyey Xaafado ka tirsan Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 05, 2019 –Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa xalay waxaa ay howlgallo ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Xamarweyne ee Gobolkan Banaadir, howlgalkaas oo ahaa mid amniga lagu xaqiijinayey sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysay.

 

Ciidamada ayaa sigaar ah waxaa ay howlgalka uga sameeyeen Xaafadaha Via Roma iyo Xaafadaha ku dhow dhow suuqa degmada Xamarweyne ,waxaana ay baaritaano ku sameynayeen Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee Xaafadaasi dhexmarayey iyo sidoo kale dadka.

 

Ciidamada howlgalka sameynayay ayaa watay gaadiidka noocyadiisa kala duwan,waxaana qeyb ka ahaa Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Miina-baarka,kuwaas oo howlgalka ka qeyb qaadanayay.

 

Howlgalka oo soo gaaray alay xilligii dambe ayaa waxaa lagu qabqabtay dad u badan dhalinyaro,wallow wararka aan heleyno ay sheegayaan in badankood la siidaayey dadkii Ciidamadu ay howlgalku ku qabteen ee ku sugnaa degmada Xamarweyne.

 

Saraakiisha Ciidamada Booliska weli wax faah faahin ah kama bixin howlgalka xalay laga sameeyey xaafado ka tirsan degmada Xamarweyne ee Gobolkan Banaadir,waxaana uu qeyb ka yahay howlgallo maalmihii la soo dhaafay ciidamo ka tirsan dowladda ka sameeynayeen Magalada muqdisho iyo duleedkeeda.

 

 

afiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment