4176 Views

Turkiga oo cambaareeyay weerarkii ay xuutiyiinta Yemen ku qaadeen Maraakiib…

Turkiga oo cambaareeyay weerarkii ay xuutiyiinta Yemen ku qaadeen Maraakiib…
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 27, 2018 –  Wasaaradda arrimaha dibedda ee Dalka Turkiga ayaa Shalay oo Khamiis ahayd cambaaraysay weerarkii ay Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen Markab Shidaal oo laga leeyahay Dalka Sacuudiga.

“Waxaan cambaaraynaynaa weerarkii lagu qaaday Laba Markab Shidaal, oo laga lahaa Sacuudi Carabiya, kuwaas oo marayay Marinka Bab-el Mandeb, ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ee Dalka Turkiga.

“Waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo tallaabooyinka noocaas ah, oo khatar galinaya amniga Badda, waxaana laga yaabaa in ay sii kordhiso xiisadda hadda ka jirta Gobolka,” ayay wasaaraddu raacisay.

Arbacadii ayay ahayd markii ay Jabhadda Xuuthiyiinta ee ka dagaallanka Dalka Yemen, taageerada ka haysata Iiraan ay weerar Gentaallo ah ku qaadday Laba Markab oo siday Shidaal, lagana lahaa Dalka Sacuudiga, iyadoo uu dhaawac yar kasoo gaaray mid ka mid ah Maraakiibtaasi oo lagu Magacaabo Damaam.

 

.

.

Sonna.so

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment