864 Views

Madaxweynihii hore Mauritania oo xabsiga la dhigey, kadib Musuq maasuq

Madaxweynihii hore  Mauritania  oo xabsiga la dhigey, kadib Musuq maasuq
____________________________________________________________________________

.

Arbaco : June 23 2021

Madaxweynihii hore ee dala Mauritania, ayaa xabsiga la dhigey, kadib markii lagu soo eedeeyey musuq maasuq.

Talaabadani ayaa timid, ka gadaal markii hoggaamiyeyahan hore uu ku gacan seyrey inuu u hoggaamaso awaamiir lasoo saarey, taasoo ah in lagu helay danbi ah inuu lacago xadey.

Mohamed Ould Abdel Aziz, ayaa maamulayey dalkani sanadkii 2008-dii illaa iyo 2019-kii, ka gadaal markii xukunka uu ku qabsadey afgambi ciidan.

Haatan madaxweynaha waxaa ku socda baaritaan lala xiriirinayo musuq maasuq, kuwaasoo kusaabsan in dhaqaale iyo dhulal dowladdu leedahay uu si gaar ah u iibiyey.

Intii uu socdey baaritaanka qaatey sanadka, Madaxweynaha ayaa wuxuu ku ku jirey xabsi guri, isagoo ku qasbanaa toddobaadkiiba in saddex jeer uu iska xaadiriyo xarun booliis.

Talaadadii, wuxuu diiday natiijada baaritaanka uu soo saarey garsoore, kaasoo ku xukumay xabsi.

Hoggaamiyahan hore, ayaa wajahaya eedeymo ay kamid yihiin in lacago si aan shraci aheyn loola kala wareejiyey, isagoo sheegay inuu is difaacayo, oo xukunka dhacey uu yahay mid isaga lagaga hor istaagayo inuu mar kale siyaasadda dib uggu soo noqdo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post