1395 Views

Golaha ammaanka QM oo kordhiyey cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya

Golaha ammaanka QM oo kordhiyey cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Talaado: November 16, 2021

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa markale dib cusbooneysiiyey cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, taas oo lasoo rogay bishii Janaayo ee sanadkii 1992-dii xiligaas oo ay dalka ka qarxeen dagaallo sokeeye.

Golaha ammaanka ayaa muddo sanad ah ku daray muddada cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya, gaar xayiraadda ka saaran soo iibasashada hubka cul-culus.

Waxa ay goluhu tilmaameen in sidoo kale ay mamnuuc tahay ka iibinta ama u daabulka Soomaaliya walxaha qarxa iyo dhoofinta dhuxusha oo la sheego inay dhaqaale ka hesho Al-Shabaab.

Sidoo kale golaha ayaa shaaca ka qaaday in weli dhaq-dhaqaaqa xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab ay sii wadaan carqaladeynta xasiloonida Soomaaliya.

Qaraarkan ayaa sidoo kale waxaa lagu soo qaaday warbixinada la xiriira musuq-maasuqa ee ka jira dalka, gaar ahaan leexsashada hantida guud ee Soomaaliya.

Xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhinaca kale waxa ay ugu baaqeen dowladda federaalka inay xoojiso dagaalka Al-Shabaab, si awoodooda loo wiiqo.

Ugu dambeyn golaha ayaa ku booriyey dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada inay sii wadaan la shaqeyntooda beesha caalamka, si loo gaaro yoolka la hiigsanayo.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post