768 Views

Hey’adda Sirdoonka Mareykanka oo sheegtay, in Ruushka u ka danbeeyay, weeraro dhanka internetka ah oo lagu jabsaday kambiyuutarrada

Hey’adda Sirdoonka  Mareykanka oo  sheegtay, in  Ruushka u ka danbeeyay, weeraro dhanka internetka ah oo lagu jabsaday kambiyuutarrada
____________________________________________________________________________



Hey’adda Sirdoonka Qaranka ee Mareykanka ayaa Talaadadi sheegtay, in ay u badantahay in Ruushka uu ka danbeeyay, weeraro dhanka internetka ah oo lagu jabsaday kambiyuutarrada wasaarado ka tirsan Dowladda Federaalka Mareykanka.

Weeraradaasi ayaa laga warhelay bishi lasoo dhaafay. Meelaha lala beegsaday ayaa waxaa ka mid ah Wasaaeadaha Ganacsiga, Maaliyadda iyo Tamarta iyo sidoo kale shirkado gaar loo leeyahay.

Warkaan kasoo baxay Sirdoonka Mareykanka lagu sheegay in wali ay wadaan baaritaanno lagu xaqiijinayo suurtagalnimanada hey’ado kale oo ay burcaddani weerareen.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in hadafka weerarka uu u muuqdo mid lagu raadinayay xogo dhanka mukhaabaraadka ah, balse aysan muuqan mid kharbudaad ah lagu rabay.

Madaxweyne Trump ayaa weersrkaasi horay ugu eedeeyay dowladda Shiinaha.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post