1152 Views

Banaanbax ka dhacay dowlad degaanka Soomaalida

Banaanbax ka dhacay dowlad degaanka Soomaalida
____________________________________________________________________________

Bannaanbaxa oo ay qeyb galeen Boqolaa Ruux ayaa waxaa  uu ka dhacay magaalada Dhagaxbuur ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Bannaanbaxan oo ay sidoo kale ka qeyb galeen qaar ka mid ah madaxda maamulka magaalada ayaa looga soo horjeedaa sida ay sheegeen dowladaha shisheeye ee farogelinta ku haya arrimaha gudaha Itoobiya iyo horumarka dalkaas.

Telefishinka Dowlad Deegaanka ee SRTV ayaa soo tebiyay in shacabkii bannaanbaxayay ay ku dhawaaqayeen erayo muujinaya sida ay uga soo horjeedaan cid walba oo ka xun horumarka Itoobiya.

Mareykanka ayaa dhowaan xayiraado xooggan ku soo rogay dalka Itoobiya taas oo la xiriirta colaaddii ka dhacday gobolka Tigray ee weli saameynteeda ay taagan tahay.

Xayiraaddan cusub waxay saameyneysaa dhanka dhaqaale iyo taageeradii dhanka amniga ee Mareykanka uu siin jiray Itoobiya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post