624 Views

Al-Shabaab oo Hiiraan ku soo bandhigtay askar iyo saraakiil ay sheegtay inay ka tirsanaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya

Al-Shabaab oo  Hiiraan ku soo bandhigtay askar iyo saraakiil ay sheegtay inay ka tirsanaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya
____________________________________________________________________________


Talaado: November 2, 2021

Wararka ka imaanaya Gobolka hiiraan ayaa sheegaya in Kooxda Al-Shabaab ay ku soo bandhigtay deegaanka Buq-Aqable ee gobolka Hiiraan askar iyo saraakiil ay sheegtay inay ka tirsanaayeen ciidamada dowladda.

Saraakiisha shabaab ee halkaas ka hadashay ayaa sheegtay in Ciidamadaan ay ka tirsanaayeen Dowlada Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedka HirShabelle.

Askarta iyo saraakiisha ‘is dhiibtay’ ayey Al-Shabaab ku sheegeen inay gaarayaan illaa 9 ruux, isla-markaana ay ka how-galayeen degmooyinka Beledweyne iyo Jalalaqsi.

Sidoo kale askarta qaar ee la wareystay ayaa magacyadooda waxa ay ku kala sheegeen:- Ibraahim Cabdi Kariin Maxamuud, Cabdirisaaq Cali Aadan, Cabdi Xasan Maxamed, Cabdi Maxamuud Cagey, Bishaar Axmed Abiikar iyo sidoo kale Cabdifitaax Aadan.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post