1860 Views

Itoobiya oo Qorsheynaysa in dalkeeda Visa La’aan la galo

Itoobiya oo Qorsheynaysa in dalkeeda Visa La’aan la galo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 09, 2018–Dr Mulatu Teshome  Madaxweynaha Itoobiya maanta Baarlamaanka dalkaasi u jeediyay Khudbada sanadlaha, Waxaa uu sheegay dowladda Itoobiya ay doonayso in ay  hirgeliso go’aankii sanadkii 2011-ka ee ahaa Visa La’aan in lasoo galo Itoobiya.

Waxaa uu sheegay dalalka waddamada Afrika iney Visaha dal ku galka ah ay ka qaadan karaan Airboorrada caalamiga ah ee ay dalka ka soo galaan.

Madaxweyne Dr Mulatu ayaa wuxuu sheegay “sida uu dhigayo qorshaha Midowga Afrika ee ah iney dalalka Midoga ka tirsan ay fududeeyaan isusocodka muwaaddiniinta qaaradda.

Dadka waddamada Afrika ka yimaadda waxay hadda ka hor fiisaha dal ku galka ay ka qaadan jireen safaaradaha Itoobiya ay ku leedahay oo waddamadooda.

Midowga Afrikana wuxuu dajiyey iney waddamada qaaraddana Afrika muwaaddiniinta u dhashay dal Afrikaan ah ay Fiisaha dal ku galka ay weydiin karaan oo keli ah ilaa iyo 2023-ka, wixi xilligaa ka dambeeyana muwaaddiniinta waddamada qaaraddu Fiisa la’aan ay waddankey doonaan ku soo geli karaan.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment