1089 Views

SAWIRO:-Soomaaliya iyo Norway oo ka wada hadlay Arrimaha Socdaalka

SAWIRO:-Soomaaliya iyo Norway oo ka wada hadlay Arrimaha Socdaalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 13,, 2019  –Agaasimaha Guud ee HSJ Col. Maxamed Aadam Jimcaale Koofi oo ay wehlinayaan ku Xigeenka Agaasimaha Guud Mudane Cabdullahi Xaaji Bashiir, lataliyaha sare iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Hay’adda oo safar shaqo ku jooga dalka Norway ayaa kulan la qaatey Hay’adda Socdaalka Dalka Norway.

 

Agaasimaha Guud iyo Wefdigiisa oo ka qeyb galayey kulamo sanadle ah oo ay yeeshaan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Hay’adda Socdaalka Norway ayaa sidoo kale kulamo la qaatey madax sare oo ka tirsan Wasaaradaha Caddaaladda iyo Arimaha dibadda Norway iyo sidoo kale saraakiisha booliiska Dalkaasi.

Kulamadaan ayaa looga hadley xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca Socdaalka, iyada oo sidoo kale Agaasimaha Guud iyo wefdigiisa ay booqdeen Garoonka caalamiga ah ee Oslo soona arkeen hab-maamulka socdaalka garoonka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment