1026 Views

Rooble oo kulan habka fogaan araga la yeeshay Guddiyada Doorashada Heer Federaal iyo Heer Dowlad-goboleed amrayna deg deg loo bilaabo.

Rooble oo  kulan habka fogaan araga la yeeshay Guddiyada Doorashada Heer Federaal iyo Heer Dowlad-goboleed amrayna deg deg loo bilaabo.
____________________________________________________________________________

Talaado: November 9, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo wada howshii Doorashada dalka ayaa waxa uu kulan la yeeshay Gudiga Doorashooyinka iyo kuwa maamul Goboleedyada.

Wararka ayaa sheegaya in Rooble uu  maanta kulan habka fogaan araga ah la yeeshay Guddiyada Doorashada Heer Federaal iyo Heer Dowlad-goboleed, xili uu socdo diyaar garowga doorashada Golaha Shacabka.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay inuu Rooble amray Guddiyada doorashooyinka labada heer inay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka, ayna soo gebo-gebeeyaan ugu dambeyn dhammaadka bisha December 2021.

Sidoo kale Rooble ayaa kula dardaarmay Guddiga Xallinta Khilaafaadku in ay si dhow ula socdaan howsha doorashada, isagoona carrabka ku adkeeyay in uusan jirin kursi cid gaar ah loo xirayo, ayna lagama maarmaan tahay in tartanku noqdo mid furan oo xalaal ah.

Dhinaca kale waxa uu Ra’iisul Wasaaraha ku boorriyay guddiyada doorashada in la dhowro qoondada haweenka 30% ee Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS, oo dhowr jeer ay kasoo yeeren cabashooyin.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post