684 Views

Midowga Musharixiinta oo Maalintii labaad kulan uga socda Muqdisho.

Midowga Musharixiinta oo Maalintii labaad kulan uga socda Muqdisho.
____________________________________________________________________________

 

Axad: August 15, 2021

Waxaa Maalintii labaad oo xiriir ah uu kulan uga socdaa Magaalada Muqdisho Xubnaha Midowga musharixiinta Madaxweynaha, iyaga oo kulankooda uga hadlayo xaaladda Siyaasadeed ee xilligaan dalka.

Kulanka oo shalay furmay ayaa waxaa Midowga musharixiinta ay diirada ku saarayaan walaaca iyo walwalka ay ka qabaan doorashada labada aqal iyo qaabka ay Madaxda Dowlad Goboleedyada u maareeynayaan iyo hufnaan la’aanta ka muuqata doorashooyinkii Aqalka Sare.

Shalay ayaa Midowga Musharixiinta ay dood adag ka yeesheen sida ay u dhaceen doorashooyinkii Aqalka Sare iyo in laga hortago in doorashada Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka ay u dhacdo sida ay ku socdaan doorashooyinka Aqalka Sare.

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle oo ah musharixii ugu horreeyay ee ka tirsan Midowga musharixiinta ee Maalin ka hor shaaciyay in doorashooyinka Aqalka Sare ay ku bilaawdeen huflaan la’aan taas oo keentay in Midowga Musharixiinta ay kulan deg deg ah yeeshaan

Maalinta Berito ah ayaa waxaa la filayaa in Midowga Musharixiinta ay kulankooda soo geba-gabeeyaan, isla markaana ay kasoo saaraan Warsaxaafadeed ay ku cadeeynayaan mowqifkooda doorashooyinkii Aqalka Sare ee dhacay iyo kuwa Aqalka hoose ee dhawaan qabsoomaya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post