2031 Views

Wasiirka Amniga oo warbixin amni siiyey guddgiga amniga ee golaha shacabka

Wasiirka Amniga oo warbixin amni siiyey guddgiga amniga ee golaha shacabka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 24, 2018 – Guddiga Arrimaha Guddaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka ayaa Kulan la qaatay Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxmed ABuukar Islow Ducaale iyo  saraakiisha ciidamada Qalabka sida.

Kulanka oo ay shir-Guddoominaysay Guddoomiyaha Guddigaasi ayaa diiradda lagu saaray wada shaqeynta guddigaasi iyo hay’adaha amniga qaabilsan,si la isaga kaashado sugidda amniga dalka.

Intii kulanka uu socdo ayaa waxaa warbixin ku saabsan xaaladda guud ee amniga dalka laga dhageystay Wasiirka Amniga Soomaaliya,isagoo guddiga faah faahin ka siiyay xaalaga amniga ee Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxmed ABuukar Islow Ducaale ayaa xubnaha guddiga amniga Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u sheegay in ay jiraan guulo badan oo laga gaaray dhinaca nabadgeliyada,islamarkaana ay ka go’antahay sidii loo dardargelin lahaa xoojinta amniga guud ahaan dalka.

Kulankani ayaa imaanaya iyadoo magaalada Muqdisho ay ka soconayaan howlgal ballaaran oo ku aadan sugidda amniga caasimadda,loogana hor tagayo falalka guracan oo dhagar qabayaashu ay ka geysanayaan Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

gudiga-Amniga 10  gudiga-Amniga 8 gudiga-Amniga 7 gudiga-Amniga 6 gudiga-Amniga 5 gudiga-Amniga 4 gudiga-Amniga 3 gudiga-Amniga 2 gudiga-Amniga 1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment