993 Views

Diiwaangelinta Musharixiin u tartameysa kuraas lix ah oo Baydhabo ka bilaabaneysa.

Diiwaangelinta Musharixiin u tartameysa kuraas lix ah oo Baydhabo ka bilaabaneysa.
____________________________________________________________________________


Arbaco: March 2, 2022

Guddiga maamulka doorashada Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa in maanta la Maanta oo Arbaco ah ay diiwaangeliyaan musharrixiin u taagan kuraas lix ah oo deegaan doorashadoodu koowaad tahay Magaalada Baydhabo.

Kadib markii ay Guddiga ay diiwaangeliyaan musharixiinta u tartameysa kuraastaas, waxaa ay qaban doonaan doorashada kuraastaas maalinta khamiista oo beri ah sida qorshaha guddiga uu yahay.

waxaana ay kala yihiin kuraastaas, HOP#275, HOP#230, HOP#183, HOP#178, Hop#050 iyo Kursiga HOP#253.

Kuraastaan 6-da ah ayey Guddiga maamulka doorashada Koofur Galbeed shaaciyeen 28-kii bishaa aan kasoo gudubnay ee febraayo, iyagoo Guddiga wado dardargelinta doorashada Golaha Shacabka ee BFS, maadama lagu madalsan yahay in doorashada lagu soo gabagabeeyo 15 bishaan sida ay ku heshiiyeen Madasha Wadatashiga Qaran.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post