1044 Views

Taliban oo kusii siqeysa magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afghanstan

Taliban oo  kusii siqeysa magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afghanstan
____________________________________________________________________________

Sabti: August 14, 2021 

Taliban ayaa Sabtida maanta ah kusii siqeysa magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afghanstan, kaddib marki ay soo qabsadeen magaalada Pul-e-Alam ee gobolka Logar, magaaladaas oo Kabul u jirta 40-mile ama 70 km.


Xubin ka tirsan golaha deegaanka ee gobolka Loghar ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in Taliban aysan la kulmin iska caabin xoogan.


Qabsadashada magaaladaan muhiim u ah dariiqa caasimadda ayaa timid, maalin kaddib marki ay Tilabn gacanta ku dhigeen magaalada Kandahar oo ah caasimadda ganacsiga ee waddanka iyo magaalada Herat oo ah tan saddexaad ee ugu weyn Afghanstan.


Dhanka kale, ayaa weerar culus ku qaadday maanta magaalada Mazar-e-Sharif oo dhacda dhinaca waqooyi, halkaas oo ay uga hortageen malleeshiyaad aad u hubeysan oo taageersan hogaamiye kooxeedyo mucaarid ku ahaa dowladda.


Mazar-e-Sharif ayaa waxaa ku sugan kumannaan malleeshiyo ah oo kala taageersan qabqablayaasha kala ah Abdul Rashid Dostum iyo Ata Mohammed Noor. Arbacadi ayaa waxaa la kulmay madaxweyne Ashraf Ghanni kaasoo ku boorriyay in ay magaalada difaacaan.


Dhanka kale, ilaa saddex kun oo askari oo uu Mareykanka u diray Afghanstan ayaa lagu wadaa in ay gaaraan habeen danbe. Ciidankaan ayaa tagi doona Kabul, si ay u ilaaliyaan howlaha daadgureynta diblamaasiyiinta iyo shaqaalaha safaaradaha reer galbeedka ee ka howlgala Kabul.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post