945 Views

Boqor Cabdallah bin Sacuud: Boqorkii Sacuudiga ee lagu gowracay Istanbuul

Boqor Cabdallah bin Sacuud: Boqorkii Sacuudiga ee lagu gowracay Istanbuul
____________________________________________________________________________


Isniin: January 17, 2022

Ciidamada Boqortooyadii Cusmaaniyiinta ayaa horay u weeraray oo burburiyay caasimadda dowladda Sacuudiga ee Diriyah iyo duleedka magaalada Riyaad.

Dhanka kale, sannadkii 1818-kii, Boqor Cabdallah bin Sacuud oo ahaa Boqorka Sacuudiga ayaa qoorta laga gooyay magaalada Istanbul. Boqortooyada Sacuudi Carabiya waxaa markii ugu horeysay burburisay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta sanadkii 1818, markii labaadna waxay aheyd 1871.

Isku daygii seddexaad ee Sacuudi Carabiya wuxuu noqday mid guuleystay markii ay taageertay Ingiriiska dagaalkii koowaad ee Adduunka, waxaana u soorogashay in Boqortooyada Cusmaaniyiinta ay wajahdo.

Boqortooyadii Cusmaaniyiinta ayaa sanadkii 1924-tii lagu soo koobay Turkiga casriga ah, waxaana la sheegay in madaxweynaha hadda talada haya Recep Tayyip Erdoan uu dhiirigelin ka qaatay boqortooyadaas.

Balse hadda lama joogo xilligii Cusmaaniyiinta. Sacuudiga iyo Turkiga ayaa sanadihii ugu dambeeyay isku dayaya in ay boorka ka jafaan xiriirkooda.

Taariikhda Cabdullaah Bin Sacuud

Abdullah bin Saud Al Saud wuxuu ahaa taliyihii ugu dambeeyay ee Dawladdii ugu horreysay ee Sacuudiga waxaana lagu toogtay Istabuul oo hoos imanaysay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta. In kasta oo Cusmaaniyiintu ay dhawr gooood ka haysteen Nejd, haddana way awoodi waayeen inay ka hortagaan kicinta Imaarada Nejd, oo sidoo kale loo yaqaan Dawladda Labaad ee Sucuudiga, ee uu hoggaamiyo Turki bin Abdullah.

Cabdullaahi wuxuu ahaa curadkii Sucuud bin C/casiis oo ku dhawaaqay inuu yahay dhaxal sugaha sannadka markuu aha 1805. Hogaamiyenimadii ugu horreeysay ee Cabdullaahi waxay ahayd 1811.

Hogaamintiisii labaadna waxa uu la dagaalamay Masaarida sannadkii 1812, wuuna awoodi waayay inuu ka adkaado oo ugu dambeyntii dib u qabsado Xijaz.

.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post