846 Views

Dowladda Suudaan oo war kasoo saartay Geerida Sheekh Nuureyn Maxamed Siddiiq.

Dowladda Suudaan oo war kasoo saartay Geerida Sheekh Nuureyn Maxamed Siddiiq.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 07, 2020 –War kasoo baxay Wasaaraddda Arrimaha Diinta Dowladda Suudaan ayaa lagu faah-faahiyay shil gaari uu ku dhintay Wadaadka lagu magacaabo Sheekh Nuureyn Maxamed Siddiiq waxaana ku dhintay saddex ruux oo la socotay wadaadka.

Wasiirka Arrimaha Diinta Suudaan Nasrudiin Mufrix ayaa sheegay in Dowladdu ay ka tacsiyeeneyso geerida ku timid Sheekh Nuureyn oo ahaa Xaafidul Qur’aan siiqo wanaagsan ku aqrin jiray Qur’aanka Kariimka.

Shilka ayaa ka dhacay Meel 18 KM u jirta Magaalada Umdurmaan, sidoo kale waxaa ku dhintay saddex ruux oo la socotay wadaadka oo kala ah: Cali Yacquub, Cabdullaahi Cawad Al-Kariim & Mahad Al-Kanaani, halka dhaawac uu soo gaaray Maxamed Xamdaan Daqlow.

Sheekha ayaa Suudaan ku matalay tartamo Qur’aan oo ka kala dhacay Malaysia & Imaaraatka, waxaana uu kamid ahaa shaqsiyaadka ka dhex muuqda Suudaan kasoo jeeda Magaalada Baaraa ee Waqooyiga Gobolka Kurdufaan.

Waxa uu imaam ka noqday Masaajidka ugu caansan Magaalada Khartuum Caasimadda Suudaan, waxaana salaadda ku jiray kumaan ruux oo jecleystay codka uu qur’aanka kariimka ku aqrinayo.

Isha: Aljazeera.net 

Tarjumay:-Bashiiir Barre Ali


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post