1173 Views

Madaxweynaha Algeria Oo Ka Laabtay Murashaxnimadiisa, Dibna U Dhigay Doorashadda

Madaxweynaha Algeria Oo Ka Laabtay Murashaxnimadiisa, Dibna U Dhigay Doorashadda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso 12, 2019 – Madaxweyne C/casiis Butofaliiqa ayaa sheegay inuusan mar 5-aad isku soo sharxi doonin Xilkaasi, kadib, markii ay dhaceen Dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo Murashaxnimadiisa.

 

Madaxweynaha oo 82-jir ah waxa uu dib u dhigay Doorashooyinka, isagoo sheegay inla qaban doono Shirweyne Siyaasadeed iyo in Isbedel lagu samayn doono Dastuurka dalkaasi dhamaadka sannadkan 2019-ka.

Wakaalladda Wararka Algeria ee APS News Agency ayaa sheegtay inuu Madaxweynuhu sheegay inaysan Doorasho Mdaaxweyne dhici doonin bisha soo socota ee April 18-da.

 

Dhinaca kale, Dabaaldegyo waa weyn ayaa waxay xalay ka dhaceen caasimadda dalka Algeria ee Aljeris, kadib, markii la shaaciyey inuusan Madaxweyne C/casiis Butafaliiqa mar 5-aad u tartami doonin xilkaasi.

 

Wararka kale ee ka imaanayo dalkaasi waxay sheegayaan inuu Ra’isul-wsaarihii dalkaasi, Axmed Aw Yaxya shalay is-casilay, waxaana lagu beddelay Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee dalkaasi, Nuradin Bedawi.

 

 

 

 

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment