882 Views

ATMIS oo Ciidanka Xoogga dalka ku wareejisay hub laga soo furtay Al-shabaab

ATMIS oo Ciidanka Xoogga dalka ku wareejisay hub laga soo furtay Al-shabaab
____________________________________________________________________________

Talaado: May 3, 2022

Ciidanka howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS waxaa ay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ku wareejiyeen hub fara badan kuwaas oo ay kasoo furteen Al-shabaab, kadib howlgallo ay sameeyeen.

Hubkaan lagu wareejiyay Ciidanka Xoogga dalka ayaa isugu jira dheshiikayaal, hubka fudud iyo rasaas fara badan, iyadoo lagu soo furtay howlgallo ay Ciidanka ATMIS ka sameeyeen qeybo ka mid ah Shabeellada hoose.

Marwo, Fiona Lortan, oo ah taliye ku xigeenka howlgalka ATMIS ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya iyo howl-galka Midowga Afrika ay diiwaan gelin doonaan dhammaan hubka laga furto Al-shabaab.

Taliyaha ciidanka Lugta ee Soomaaliya Jeneraal: Maxamed Tahliil Biixi ayaa ka mahad celiyay hubka ay ATMIS ku wareejisay SNA, wuxuuna bogaadiyay iskaashiga ka dhexeeya xoogagga midowga Afrika iyo Ciidanka xoogga dalka.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post