768 Views

Dad harraad iyo gaajo ugu geeriyooday gobolka Gedo

Dad harraad iyo gaajo ugu geeriyooday gobolka Gedo
____________________________________________________________________________


Axad: November 21, 2021

Wararka ka imanaya degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ay dad harraad iyo gaajo ugu dhinteen miyiga deegaannadaas oo ay abaarta guud ahaan ba dalalka geeska Afrika ka taagan saamaynta ba’an ku hayso ka mid ah.

Guddoomiyaha degmada Luuq, Cali Kadiye Maxamed ayaa BBC u sheegay in 3 qof ay oon iyo gaajo ugu dhinteen deegaanno hoostagga degmada Luuq.

Wuxuu intaa ku daray dad badan ay kasoo barakaceen abaaraha kuwaas oo haatan ku dhibaateysan deegaanka.

“Dhimashada hadda waxay mareysaa 3 qof, dadkaas waa dadkii reer miyiga ahaa ee xoolo dhaqatada ahaa, Dadka dhintay waa dadkii degenaa inta u dhexeeysa Luuq iyo Garbaaharrey, oon iyo rafaad fara badana waa ka muuqdaa” ayuu yiri Cali Kadiye.

Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo sareen uga digay xaaladda abaaraha ka taagan qeyba ka mid ah dalka in ay ka dhalan karta saameyn ballaaran.

Qoraalkan oo kasoo baxay wasaaradda gargaarka Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka ee Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in qiyaastii 2.3 Malyan oo qof ay haatan wajahayaan xaalad nololeed oo aad u adag, gaar ahaan biya la’aan iyo cunta yari baahsan

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post