234 Views

Madaxweyne Xasan Shiikh oo sheegay in marka laga soo gebagebeeyo howlgalada ka socda Galmudug iyo Hirshabelle ay ku xigi doonto Koonfur galbeed.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo  sheegay in marka laga soo gebagebeeyo howlgalada ka socda Galmudug iyo Hirshabelle ay ku xigi doonto Koonfur galbeed.
____________________________________________________________________________

Arbaco: January 18 2023

Madaxwaynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay inuu meel aad u wanaagsan marayo dagaalka iyo kacdoonka dalka looga saarayo Al-Shabaab.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in marka laga soo gebagebeeyo howlgalada ka socda degaanada Galmudug iyo Hirshabelle ay ku xigi doonto Koonfur galbeed.

Hadalkan ayuu Xassan Shiikh ka sheegay Munaasabada furitaanka Shirka Dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed oo galabta ka dhacday magaalada Baydhabo.

“Maanta halka cadow ee aynu leenahay waa argagixisada Alshabaab, la dagaallankooduna uu yahay kan kaliya ee inoo furan, Dowladdu waxay sameysay qorshe dalka lagaga xoreynayo khawaarijta al-shabaab, wajigii koowaad ayaa hadda gabo-gabo ah, wajiga Labaadna waxaa ugu horreysa Koonfur-galbeed.”ayuu yiri Xassan Shiikh.

Madaxweynaha Mudane Xassan Shiikh Maxamuud ayaa ugu baaqay dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku jira wax uu ugu yeeray fikirka gurracan ee argagixisanimada inay ka soo laabtaan, isagoo cafis u fidiyey mid kasta oo ka mid ah oo u soo laabta dadkiisa iyo dalkiisa, dowladduna ay diyaarisay qorshe dhaqancelin iyo nolol wanaagsan looga sameynayo dhallinyarada ay khaldeen argagixisadu sida uu yiri.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post