900 Views

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland oo howlgal qorsheysan fuliyay

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland oo howlgal qorsheysan fuliyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 3da Maarso, 2021:-Ciidamada Daraawiishta dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa howgallo qorsheysan oo ka dhan aa Ururka Al-Shabaab waxaa ay saacadihii la soo dhafay ka sameeyeen duleedka Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka ayaa Ciidamada sigar ah waxaa ay uga sameeyeen degaannada Yaaqbari wayne,Farey iyo Tuulooyin kale oo hoostaga deegaanka Cabdalla Biroole, waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen inay ku raad joogan Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Gaashale  Aadan Cabdiqadir oo ka mid ah Ciidamada darawishta Jubbaland ee ku sugaan jiida  hore ee deeganka Cabdalla Biroole ayaa sheegay in hwolgalka ku burburiyeen Saldhigyo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in howlgalka ku dileen Xubno ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana ay sii wadi doonaan ilaa Al-Shabaab laga saarayo degaannada hoostaga Magalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland.

Howlgalkan ay Maanta Ciidamada Daraawiishta dowlad Goboleedka Jubbaland ka sameeyeen duleedka Magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Ciidamada mararka qaar lagu weeraro degaannada hoostaga magaalada Kismaayo.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post