645 Views

Booliska Kenya oo faahfaahin ka bixyeen weerar ay geysteen Al-Shabaab

____________________________________________________________________________

Talaado: December 14, 202

Booliska Kenya ayaa sheegay inay fashiliyeen weerar ay koox looga shakisan yahay Shabaab la damacsaneyd inay ka fuliso masaajid ku yaalla deegaanka Khorof Xaraar ee dhaca duleedka magaalada Wajeer.

Lix qof oo hubeysan ayaa gaaray masaajid ku yaallay tuulada Konton. Waxay doonayeen inay afduubtaan dad masaajid ku tukanayay, sida laga soo xigtay booliska.

Advertisemen

Taliyaha booliska ismaamulka Wajeer ayaa xaqiijiyay dhacdadan isla markaana sheegay in kooxda ay weerar kusoo qaadeen masaajidka balse laamaha amniga ay ka hortaggeen weerarkaas, sida uu ku warramayo Wargeyska The Daily Nation.

Wuxuu beeniyay wararka sheegayo in kooxda ay qafaalatay qaar kamid ah dadka deegaanka.

Al-Shabaab ayaa sheegtay weerarkaas, iyaga oo sheegay inay ku dileen 30 ka tirsan Ciifamada Kenya oo ku sugnaa degaanka Khorof Xaraar ee dhaca duleedka magaalada Wajeer.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post