369 Views

Qaramada midoobay oo loogu baaqay inay wax ka qabtaan warshadda Nukliyeerka Ruushka

Qaramada midoobay oo loogu baaqay inay wax ka qabtaan warshadda Nukliyeerka Ruushka
____________________________________________________________________________

Arbaco: AUGUST 10, 2022

Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka warshadaha ku horumaray ee G-7 ayaa ka digay in gacan ku haynta Ruushka ee warshadda tamarta Nukliyeerka ee Ukraine ay si weyn sare ugu qaadayso halista shil nukliyeer ah amaba mid ku talo gal ah.

Iyagoo muujinaya dareenkooda, waxay ugu baaqeen Ruushka inuu si degdeg ah Ukraine ugu wareejiyo warshadda.

Xarunta iyo hareeraheed ayaa waxaa todobaadkii hore lala beegsaday duqeymo uu dhinac walba ku eedeynayo dhinaca kale.

Ruushka ayaa ku baaqay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu berri oo Khamiis ah kulan ka yeesho xaaladda warshadda Nukliyeerka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post