1005 Views

Khilaaf ka taagan ismaamulka Wajeer ee dalka Kenya kaddib markii maxkamad ay meesha ka saartay

Khilaaf  ka taagan ismaamulka Wajeer ee dalka Kenya kaddib markii maxkamad ay meesha ka saartay
____________________________________________________________________________

May 26 2021

Khilaaf siyaasadeed oo xoog leh ayaa ka taagan ismaamulka Wajeer ee dalka Kenya kaddib markii maxkamad ay meesha ka saartay go’aankii xil ka qaadista ahaa ee lagu sameeyay madixii maamulkaas.

Maxamed Cabdi Maxamuud oo ahaa Barasaabka Wajeer ayaa dhawaan xilka looga qaaday go’aan ay soo saareen Aqalka Sare ee Senate-ka, waxaana kursigiisa loo dhaariyay ku xigeenkiisii, Axmed Cali Mukhtaar.

Hase yeeshee mas’uulka xilka laga xayuubiyay ayaa ku guuleystay in maxkamadda Meru ay dib ugu soo celiso xilkiisa, taasoo ka dhigan in maamulkaasi ay ku wada sugan yihiin Labo Barasaab, sida ay u muuqato.

Arrintan ayaa u muuqata jah wareer xilli kiiskan hadda loo gudbiyay Madaxa Caddaaladda.

Maxkamadda ugu sarreysa Kenya oo uu fadhiyo madaxa caddaaladda ayaa laga dhowrayaa go’aanka kama dambeysta ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post