564 Views

Weerar lagu dilay Sarkaal ka tirsan Howlgalka QM ee Maali

Weerar lagu dilay Sarkaal ka tirsan Howlgalka QM ee Maali
____________________________________________________________________________

Khamiis: June 2, 2022

Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Mali, Minusma, ayaa sheegay in mid ka mid ah nabad ilaalintooda lagu dilay weerar ka dhacay Gobolka Kidal ee waqooyiga Maali. 

Kolanyo ay la socdeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Nabad ilaalinta ayaa waxaa lagu furay rasaas xooggan,  waxaa ku dhintay hal sarkaal, halka saddex kalena ay dhaawacmeen.

Ma cadda cidda fulisay weerarka, balse Minusma ayaa la abuuray sannadkii 2013-kii si ay gacan uga geysato sidii dalka looga difaaci lahaa kooxaha Islaamiyiinta ah. 

Qaramada Midoobay ayaa waxaa Maali uga dhimatay in ka badan 170 tan iyo markii uu billowday Howlgalka Nabad ilaalinta ee ka socda dalkaasi. 

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post