1119 Views

C/kaafi Qaaf  “Mustaqbalka ubadkeena siyaasad laguma dabaqi karo, meesheey doonaan dalka ha ka joogaane”

C/kaafi Qaaf  “Mustaqbalka ubadkeena siyaasad laguma dabaqi karo, meesheey doonaan dalka ha ka joogaane”
____________________________________________________________________________

Kaddib markii Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiilada Somaliland, ku eedeeyeen Dowlada Soomaaliya in ay ka soo xirtay 7 ka mid ah 10-kii dal ee ay ay heli jireen deeqaha waxbarasho, ayaa wasiirkii hore ee qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Galmudug Cabdikaafi Maxamed Maxamuud Qaaf  ku eedeeyey Dowladda Soomaaliya ku dhaqaaqday  gef aan garowshiiyo laheyn.

“Mustaqbalka ubadkeena waa lama taabtaan, siyaasad laguma dabaqi karo, meesheey doonaan dalka ha ka joogaan Muqdisho, Hargeysa ama meel kastaba” Ayuu yiri C/kaafi.

“Dowladnimadu ma noqon karto wax dadka shicibka ah lagaga aargoosto, tillaabada ay qaadeen hogaanka Dowladdu waa mid sii kala fogeynaysa quluubta & kalsoonida ummadda walaalaha ah” Ayuu yiri C/kaafi, wuxuuna u soo jeediyay Dowladdi in ay go’aankaasi ka laabato, raaligelinna ka bixiso.

“Somaliland & Dowladda Soomaaliya iyaga ayaa wada fadhiisan kara, xalna ka gaari kara arrimaha la isku hayo, balse in ubad Soomaaliyeed oo waxbarasho heli lahaa laga hor-istaago mas’uuliyad ma ahan” Ayuu yiri C/kaafi Qaaf, isaga oo intaasi raaciyay in dowlad shacabkeedii ka aarsaneysa aysan dowlad noqon karin.

Guddoomiye ku xigeenka guddiga joogtada ah ee golaha wakiilada Somaliland, Axmed Xasan Cali Casoowe. Ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ka dhaadhicisay dalalkii Somaliland siin jiray deeqaha in loo soo mariyo Dowladda.

“Deeqaha waxbarashada ee dibada waxa ina siin jiray 10 waddan oo kala ah, Sudan, Kenya, Uganda, Masar, Yemen, Libya, Turkey, Malaysia, Itoobiya, Taiwan iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, deeqaha waxbarasho waxaa carqaladeeyay Dowlada Faderalka Soomaaliya,” ayuu yii Guddoomiye ku xigeenka guddiga joogtada ah ee golaha wakiilada Somaliland, Axmed Xasan Cali Casoowe.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post