6219 Views

Marwada Madaxweynaha “Abwaaniinta door muuqdo ayay ku leeyihiin wacyigelinta bulshada…”

Marwada Madaxweynaha “Abwaaniinta door muuqdo ayay ku leeyihiin wacyigelinta bulshada…”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | September 10, 2015 | Kulankan ay Marwada Madaxweynaha dalka, Marwo Sahro Cumar Xasan u sameysay qaar ka mid ah abwaaniinta Soomaaliyeed ayaa waxa uu ahaa mid ay ku kala warqaadanayeen, isla markaana ay ku guubaabisay inay xoojiyaan wacyigelinta ay bulshada u hayaan, maadaama ay hormuud u yihiin bulshada inteeda kale.

Madiino Cali Tooxow oo ugu horeyn goobta hadal kooban ka jeedisay ayaa xustay in kulankan uu yahay mid Marwada Madaxweynaha ay dalbatay, si ay u ogaato xaaladda abwaaniinta Soomaaliyeed ay ku suganyihiin.

“Kulankan Marwada Madaxweynaha ay la qaadatay maanta waxa uu qeyb ka yahay wax u qabshada bulshada iyo ka warqabkooda, runtii inta ugu muhiimsan Abwaasan Singub ayaan u dhaafayaa” ayay tiri Madiino.

Abwaan Maxamuud Cabdulaahi Ciise Sangub ayaa sheegay inay xoojinayaan wacyigelinta bulshada, isla markaana ay Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Sahro guddoonsiin doonaan bilad sharaf oo ay u arkeen inay tahay hooyo u gurmada bulshada Soomaaliyeed.

“Anagoo abwaaniintii ah, runtii martiqaad nooga qurux badan ka la mid ah ma arag, gabadha dalka taageereysa gaar ahaan wax u qabatay bar baarta darbi jiifka ahaa, aad ayaan uga mahadcelineyaa dadaalkaasi, runtii waxaan go’aan ku gaarnay in aan bilad sharaf guddoonsiino, waayo waa Hooyada Ummadda Soomaaliyeed, gabdhaheenu had iyo jeer waxa ay lahaayeen mudnaan gaar ah, Marwo Sahro mid ka sii badan ayay leedahay mudnaantaas”ayuu yiri Abwaan Sangub

Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Sahro Cumar Xasan oo ugu dambeyntii kulanka hadal ka jeedisay ayaa hoosta ka xariiqday in ujeedka kulanka uu ahaa mid ay ku xogwareysaneysa xaaladda abwaaniinta ay ku suganyihiin, iyadoo ugu baaqday inay joogteeyaan wacyigelinta bulshada, isla markaana muwaadin kasta looga baahanyahay samata bixinta dalka.

“Maadaama ay Abwaaniintu yihiin hormuudkii Soomaaliyeed, Indhihii Ummadda, wacyigelintii Ummadda, runtii la’aantood wax la qaban karo ma ahan, waxaan aad u ognahay in xiriirkeenu uusan badneyn, balse in aan idin moognahay ma ahan macnaheedu, dadkii Ummaddan samata bixinayay in abwaaniintu ay yihiin bulshada oo dhan way ogtahay, waxaan idin soo jeedinayaa mahad gaar ah, qofkasta oo Soomaaliyeedna waxaa laga rabaa in dalkaan ay samata bixiso”. Ayay tiri Marwada Madaxweynaha dalka.

Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Sahro ayaa kulanka ay la qaadatay abwaaniinta waxa uu qeyb ka yahay dadaalka ay ugu jirto sidii guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarinta dalka iyo ka hortagidda cidkasta oo abuureysa falal amni darro.

doorka-abwaaniinta-8 doorka-abwaaniinta-9 doorka-abwaaniinta-10 doorka-abwaaniinta-11 doorka-abwaaniinta-12 doorka-abwaaniinta-13 doorka-abwaaniinta-7 doorka-abwaaniinta-1 doorka-abwaaniinta-2 doorka-abwaaniinta-4 doorka-abwaaniinta-5 doorka-abwaaniinta-6 doorka-abwaaniinta-3 marwada-madaxweynaha-sahra-1

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment