711 Views

Rwanda oo Ciidamo geyso dalka Mozambique si ay ugu qeyb qaataan dagaalka lagu jiro

Rwanda oo Ciidamo geyso dalka Mozambique si ay ugu qeyb qaataan dagaalka lagu jiro
____________________________________________________________________________

Sabti: July 10- 2021

 

Dowladda Rwanda ayaa bilowday in Ciidamo gaaraya 1,000  oo askari ay geyso dalka Mozambique si ay ugu qeyb qaataan dagaalka lagu jiro kooxaha rabshadaha ka wada gobalka waqooyi ee Kabo Delgado.

Dirista Ciidamadan ayaa yimid kadib markii bishii la soo dhaafay ay wadamada ku bahoobay Urur gobaleedka Afrikada koofureed ee loo soo gaabiyo (SADC) sheegeen in ciidamo ay u dirayaan dalka Mozambique.

Askar ka tirsan ciidamada Rwanda oo aan qeyb ka ahayn Ururka (SADC) ayaa ka barbar dagaalami doono ciidamada Mozambique oo wada howl gallo ay kula dagaalamayaan koox mintid ah oo weeraro ka fuliso gobalka saliida qaniga ku ah ee kaabo Delgado.

Kooxda ayaa sida la sheegay xiriir la leh Ururka Argagixisada ah ee Daacisha, kuwaa oo sannadihii la soo dhaafayay gacanta ku hayeen gobalka kaabo Delgado ee waqooyiga Mozambique.

Qaramada midoobay ayaa sheegtay in kooxdan ay dileen dad gaaraya 3,000 oo ruux iyagoo sidoo kale barakiciyay ilaa iyo 800,000 oo  u badan Caruura iyo Haween.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post