522 Views

Wararkii ugu dambeeyay Xaaladda Ukraine iyo Ruushka

Wararkii ugu dambeeyay Xaaladda Ukraine iyo Ruushka
____________________________________________________________________________

Maraykanka iyo xulafadiisa ayaa ku booriyey muwaadiniintooda inay degdeg kaga baxaan dalka Ukrain si ay uga fogaadaan duulaanka Ruushka, oo ay ku jiraan weerar dhinaca cirka ah oo ay Washington sheegtay Jimcihii inay dhici karaan wakhti kasta.
Maraykanka iyo Yurub ayaa sare u qaaday digniintooda ku aaddan weerar soo fool leh, halkaa Moscow ay ku eedaysay waddamada reer galbeedka inay ‘faafinayaan been ay ku qarinayaan falalkooda gardarada ah’.

Ruushka ayaa in ka badan 100,000 oo askari ku ururiyay xuduudka Ukraine balse wuu Ruushku inkiray inuu qorsheynayo inuu duullaan ku qaado.
Saraakiisha Mareykanka, ayaa iyaga oo cadaadis saaraya dhanka diblomaasiyadda, waxa ay sheegeen in Ruushka uu soo duuli karo ka hor inta aan la soo gabagabeyn ciyaaraha Olombikada Qaboobaha ee 20-ka bisha Febraayo, lagana yaabo in uu isku dayo in uu qabsado caasimadda Kyiv iyo magaalooyinka kale.
La taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa sheegay in muwaadiniinta Mareykanka aysan filan karin daadgureynta militariga haddii ay ku sii sugnaadaan Ukraine 48 saac gudahooda ay uga baxaan.
Australia iyo New Zealand ayaa noqday dalalkii ugu dambeeyay ee ku boorriyya muwaadiniintooda inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan Ukraine, iyagoo ku biiray Britain, Japan, Latvia, Norway iyo Netherlands. Israa’iil ayaa sheegtay inay daad gureyneyso ehelada shaqaalaha safaaraddooda.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post