942 Views

G/SARE KULMIYE “C/nuur Darmaan dalka ayaa u baahan 2 arrimood dartood……”

G/SARE KULMIYE “C/nuur Darmaan dalka ayaa u baahan 2 arrimood dartood……”
____________________________________________________________________________

Isniin, 21 Maarso [Qaranimo Online] Muqdisho ayaa u muuqata in durba ay guda gashay loolan dhanka musharixiinta u tartamaya xilalka Madaxweynenimada & Guddoonka baarlamaanka, iyada oo qaar ka mid ah hoteelada Muqdisho laga dareemayo kulamo joogta ah.

G/sare Xassan C/llaahi Kulmiye, oo ka tirsanaa saraakiisha ciidamada booliska, oo ay saaka wareysatay mid ka mid ah idaacadaha maxaliga ah ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo musharaxnimada C/nuur Darmaan, isaga oo ku tilmaamay inuu yahay nin Soomaaliya ku soo celin kara fagaarayaasha caalamiga ah, xog-ogaal na u ah sababihii dhaliyay Qaran-jabkii nagu dhacay.

“Waxaa rabaa inaan musharixiinta u kala saaro dhowr qeybood, waxaa jira qeyb musharaxnimadoodu ku saleysan tahay in ay taariikhda [CV] u gasho, kuwa waxaa jira u shaqeynaya musharixiin isu arka in ay wareegyada hore gaarayaan & musharixiin lagu tilmaami karo in ay yihiin labeentii musharixiinta, ahna kuwa maanta uu dalku u baahan yahay kuwaas ayuu Darmaan safka hore kaga jiraa,  waxayna xildhibaanadu ku qasbanaan doonaan in ay codadkooda siiyaan,” Ayuu yiri G/sare Xassan C/llaahi Kulmiye, isaga oo dhinaca kalena xusay in Darmaan marka loo eego musharixiinta kale inuu yahay shaqsi Soomaaliya adduunka ku soo xiri kara.

“Marka shaqsi shaqsi loo qiimeeyo musharixiinta, ma jirto musharax Soomaali u qabtay inta uu Darmaan u qabtay; Waxaa maanta jooga dadkii uu jeelasha adduunka ka soo daayay iyo kuwii uu daryeel caafimaad ugu qaaday Mareykan, Yurub & Carabta, waxaan rajeynayaa in markan fursad loo siin doono Darmaan qabasha hogaaminta dalka” Ayuu yiri G/sare Xassan.

Gaashaanle Xassan, waxa uu wax kama jiraan ku tilmaamay in C/nuur Darmaan yahay askari Mareykan ah, uuna ka shaqeynayo danaha Mareykanka.

“C/nuur wuxuu ku soo barbaaray guri diblumaasi, aabihii wuxuu ka mid ahaa safiiradii ugu waqtiga dheeraa ee Soomaaliya u fadhin jiray Washington; hadafka qura ee uu leeyahay waxay tahay inuu dalkan gaarsiiyo halkii uu mudnaa; xiriirka uu la leeyahay Mareykanka & dowladaha Yurub arrintaasi qeyb muhiim ah ayuu kaga ciyaari karaa” Ayuu yiri Gaashaanle Xassan.

Doorashada loo galayo aqalka Madaxtooyada Soomaaliya oo aan weli loo qaban waqti mucayim ah, ayaa noqoneyso doorasho adag, waxaanna dadka siyaasada odorosa ay tilmaamayaan in aan si sax ah loo saadaalin karin cidda ku guuleysan kareysa, marka loo eego casharadii laga soo bartay doorashooyinkii hore.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post