591 Views

Xukuumadda oo faah faahisay safarka Ra’iisul Wasaare Rooble

Xukuumadda oo faah faahisay safarka Ra’iisul Wasaare Rooble
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 10, 2021 —Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in uu Maanta u amababaxo Caasimadda Kenya ee Nairobi, si uu ula kulmo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Safarkaan ayaa waxaa uu kad ambeeyay kadib markii Wasiirka Arrimaha dalka Kenya oo Maalin ka hor timid Muqdisho ay casuumaad soo gaarsiisay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimow ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha & Madaxweynaha Kenya ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal, isku socodka safarka iyo arrimo kale.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay wado dadaalo lagu soo celinayo xiriirkii Kenya iyo Soomaaliya, labada dowladood oo uu ka dhaxeeyay waxyaabo ay kamid yihiin Amniga Ganacsiga iyo waxyaabo kale.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post