456 Views

Galmudug oo soo saartay Guddiyada soo xulaya kuraas taala Gaalkacyo.

Galmudug oo soo saartay Guddiyada soo xulaya kuraas taala Gaalkacyo.
____________________________________________________________________________


Sabti: March 5, 2022

Guddiga maamulka doorashada Galmudug ee SEIT ayaa soo saaray jadwalka doorashada kuraas deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Qoraal uu soo saaray Guddiga ayuu ku yiri “ Guddiga hirgelinta doorashooyinka Galmudug waxey shaacinayaan xubnaha Guddiga xulista Ergada afar kursi oo ka mid ah kuwa Golaha Shacabka ee BS, kuraastaas oo horey loo shaaciyay.

Kuraasta afarta ah waxaa ay kala yihiin HOP#001, HOP#013, HOP#101, iyo HOP#017.

Iyadoo guddiga doorashada Galmudug ay sidoo kale sheegeen in dorashada kuraastaan la qaban doono 6/bishaan aan ku jirno, inkastoo maanta ay guddiga diiwaangelin doonaan Guddiyada soo xilsta kuraastaas afarta ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post