909 Views

Raisaal Wasaare Netanyahu oo qarka u saaran inuu waayo ra’iisul wasaaranimada Israa’iil

Raisaal Wasaare Netanyahu oo qarka u saaran inuu waayo ra’iisul wasaaranimada Israa’iil
____________________________________________________________________________

June 13 2021

Baarlamaanka dalka Israa’iil, ayaa lagu wadaa in gelinka danbe ee maanta ay u codeeyaan xukuumad wadaag ah oo cusub oo u muuqata inay soo afjarayso ololihii Benjamin Netanyahu ee uu mar kale ku doonayay ra’iisul wasaaraha dalkaas. Haddii baarlamaanku u codeeyo ansixinta golaha wasiirrada, si toos ah ayaa loo dhaarin doonaa.

Isbaheysigan ayaa waxaa isku keenay siyaasiga Yair Lapid, iyadoo ay qeyb ka yihiin xisbiyada, bidix, midig iyo weliba sidoo kale xisbiga dhexe.

Sida uu dhigayo heshiiska awood qeybsiga, wasiirkii hore ee difaaca dalkaas Naftali Bennett, oo ka tirsan xisbiga Yamina, ayaa labo sano noqon doona ra’iisul wasaaraha Israa’iil, kahor inta uu xukunka ku wareejin Mr Lapid.

Mr Netanyahu, ayaa sawir isaga oo uu ka soo hor muuqdo calanka Israa’iil oo uu soo dhigay bartiisa twitter-ka waxa uu ku soo qoray, waad mahadsan tahay, waana ku jeclahay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post