831 Views

Qaxooti Yemeniyiin ah iyo muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu soo dhaweeyay Boosaaso

Qaxooti Yemeniyiin ah iyo muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu soo dhaweeyay Boosaaso
____________________________________________________________________________


khamiis: October 21, 2021

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Puntland ayaa magaalada Boosaaso ku soo dhaweysay qaxooti u dhashay Dalka Yemen iyo muwaadiniin Soomaali ah oo ka soo cararay colaadaha Yemen. Waxaana dooni siday ay maanta ku soo xiratay Dekedda magaalada Bosaaso.

Dadkan Qaxootiga ah iyo Soomalida dib ugu soo laabatay Puntland ayaa u badanaa haween iyo carruur, waxaana loo daabulay Xarunta Qaabilaadda iyo soo dhowaynta Qaxootiga Boosaaso, halkaasi oo lagu siiyay adeegyo ay ka mid yihiin cunto bisil, biyo iyo adeegyo caafimaad oo degdeg ah.

Xaaladdaha beni’aadamnimo iyo dagaal ka socda wadanka Yaman ayaa horseeday Qulqulka Qaxootiga badan ee soo gaaraya deegaannada Dowlad Gobaleedka Puntland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post