1266 Views

Guddoomiye Cusub oo loo Magacaabey degmada Shangaani

Guddoomiye Cusub oo loo Magacaabey degmada Shangaani
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December  02- 2019–Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ( Filish) ayaa guddoomiye Cusub u Magacaabey degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir,kaddib markii Guddoomiyihii degmadaas ay ku geeriyootay qarixii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir.

 

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Duqa Muqdisho ayaa waxaa Guddoomiyaha degmada Shangaani loogu Magacaabey Aweys Camuudi kaas oo lagu bedelay Sahra Markeyzi oo kamid aheyd Guddoomiyeyaashii ku geeriyooday 24-kii Bishii July qarixii ka dhex-dhacay Xarunta Maamulka  Gobolka Banaadir.

 

 

 

Qaraxaas ayaa sidoo kale waxaa ku geeriyooday Guddoomiyihii Gobolkan Banaadir Eng, Cabdiraxmaan Yariisow,Guddoomiyeyaashii degmooyinka,Waaberi iyo Cabdul Casiis,kuwaas oo la filayo in dhawaan Guddoomiyeyaal Cusub loo Magacaabo.

 

 

 

Xafiiska WArarka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment