888 Views

MD laftagareen oo ku baaqay in loo midoobo la-dagaalanka Al-Shabaab

MD laftagareen oo ku baaqay in loo midoobo la-dagaalanka Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-06-2020-WMadaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa ka tacsiyadeeyay Saraakiishii Iyo Ciidankii ku geeriyooday dagaalkii ka dhacay deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa si gaar ah ugu tacsiyadeeyay Ehalada iyo Shacabka Koonfur Galbeed geerida Saraakiishii ka mid noqday ciidankii ku dhintay weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen degaanka Deynuunaay.

Innaa Lilaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Alle ha u naxariisto dhammaan Saraakiishii iyo Ciidamadii ku shahiiday dagaalkii dhacay deegaanka Deynuunaay, Saraakiisha iyo Ciidamada geeriyooday waxa ay ahaayeen naftood hurayaal maalin iyo habeen u taagnaa difaaca dadkooda iyo dalkooda ayuu yiri” laftagareen.

Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxaa uu sheegay in shacab iyo ciidanba laga doonayo in loo midoobo Al-Shabaab oo maalin walba doonaya in ay daadiyaan dhiiga shacabka, burburiyaan hantidooda, barakiciyaana maatida sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Madaxweynaha Koonfur Galbeed in sugidda nabadgalyada ay tahay mas’uuliyad saaran ciidamada iyo hay’adaha amniga, shacabkuna ay gacan ka geystaan sugidda nabadgelyada.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  _______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post