1965 Views

Maxkamadeynta Rag loo heysto weerarkii Hotel Nasahablood 2 oo billaabatay

Maxkamadeynta Rag loo heysto weerarkii Hotel Nasahablood 2 oo billaabatay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 24, 2018 – Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidanka qalabka sida ayaa billowday dhegeysiga dacwadda Rag loo heysto weerarkii 28kii October ka dhacay Hotelka Naasahablood 2 ee magaalada Muqdisho.

Weerarkaas Ragga loo heysto waxaa ay kala yihiin; Farxaan Maxammed Samatar, C/naasir Dhaqane Xasan iyo Abshir Maxa’d Xaaji Buule, waxaana dhammaantood xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ku soo eedeyeen in ay ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday Hotel Naasa Hablood labo.

Xafsiika xeer ilaalinta ayaa u sheegay garsoorayaasha iyo dhinacyada kale ee ka qeyb galayay dhageysiga dacwadda in raggan la soo qabtay xilli ay ku guda jireen fulinta weerarkaasi.

Qareenada difaacayay ayaa ku dooday in la marin habaabiyay oo aysan iyaga doorashadooda kaga mid noqon xarakada Al-shabaab hasa ahaatee ay jeclaan lahaayeen in loo naxariisto mar  haddii ay qirsan yihiin in ay geysteen weerarkaasi dadka badani ku dhinteen.

Weerarkii 28kii October lagu qaaday hotel Naasa hablood 2,waxaa ku dhintay 17 Qof oo isugu jiray mas’uuliyiin ka tirsanaa dowladda Soomaaliya,Maamulka Koofur Galbeed iyo kuwo kale.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment