711 Views

Xasan Shiikh toddobaadkan la wareegaya Xafiiska Madaxweynaha

Xasan Shiikh toddobaadkan la wareegaya Xafiiska Madaxweynaha
____________________________________________________________________________

Axad: May 22, 2022

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliy, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu wadaa in 23-bishaan oo ku beegan Isniinta uu si rasmi ah Xilka kala wareego, Maxaweynihii hore, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo muddo toddobaad ah sii jooga Xafiiska.

Farmaajo ayaa maanta Xasan Shiikh kula kulamay Madaxtooyadda Soomaaliya, waxaana ay ka wada hadleen xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan sida ay u dhaceyso Munaasabada Xil wareejinta oo lagu qaban doono Madaxtooyadda.

Waxaa socda qaban qaabada Xafladda oo ay wadaan Guddi uu magacaabay Madaxweynihii 9-aad, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhacday 15 kii bishaan, waxaana laga joogaa muddo 7 cisho ah.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post