615 Views

Magaalada Boosaaso oo ah deegaan doorashada labaad ee Puntland oo si rasmi ah uga bilaabatay doorashada kuraas

Magaalada Boosaaso oo ah deegaan doorashada labaad ee Puntland oo  si rasmi ah uga bilaabatay doorashada kuraas
____________________________________________________________________________


Sabti: March 5, 2022

Magaalada Boosaaso oo ah deegaan doorashada labaad ee Puntland ayaa waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kuraasta doorashadooda la qabtay ayaa kala ah:-HOP#227, HOP#273, HOP#157, HOP#234, HOP#076 iyo HOP#169.

Xubnaha soo baxay ayaa waxaa ku jira Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) oo ah taliyihii hore ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed, kaas  oo ku guuleystay Kursiga HOP#273.

Sidoo kale xubnaha kale ee la doortay waxaa ka mid ah:

1-Cabdicasiis Maxamed Maxamuud Qambi oo ku guuleystay doorashada Kursiga HOP#227. 2-Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) oo ku guulaystay Kursiga HOP#157. 3-Marwo Cabdi Bashiir Xaaji Cali oo ku guuleysatay Kursiga HOP#234. 4-Muuse Axmed Ismaciil oo ku guuleystay Kursiga HOP#076 & 5-Cali Mahdi Maxamed oo ku guuleystay Kursiga HOP#169.

Doorashada ayaa haatan sii soconeyso, waxaana la guda-galay kuraasta kale ee loo qorsheeyey in maanta doorashadooda lagu qabto Boosaaso.

aKuraastan ayaa waxaa muddo ka taagnaa murano xoogan, waxaana boosaskoodii waayey wasiiro ka tirsan dowladda federaalka oo maalmahan ku sugnaa halkaas

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post