2517 Views

Ruushka oo Mareykanka ku eedeeyay inuu kala qeybinayo Syria

Ruushka oo Mareykanka ku eedeeyay inuu kala qeybinayo Syria
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 29, 2018 – Dowladda Ruushka ayaa Waddamada Mareykanka,UK iyo France ku eedeeyay in ay wadaan qorshe lagu kala qeybinayo Dalka Syria.

Wasiirka arrimaha dibadda Dalka Ruushka ,Sergey Lavrov oo dhiggiisa Dalalka Iraan iyo Turkiga kula kulmay Magaalada Moscow ayaa sheegay dalalka xulafada Mareykanka ay damacsanyihiin kala qeybinta Dalka Syria.

Waxa ay saddexda wasiir arrima dibadeed ka shireen diyaarinta ajendaha shirka Nabadeynta Syria ee ka furmaya Magaalada Astana ee dalka Kazakhstan.

Shirkaas ayaa diiradda lagu saarayaa in xal siyaasadeed iyo mid gar gaar bani’adamnimo loo diyaariyo dalka Syria oo ay ka socoto colaad wajiyo badan oo 7 sano jirsatay.

Mareykanka,Franec iyo UK,ayaa 14kii Bishan weerar ku qaaday Syria,waxaana ay sheegeen in ay bur buriyeen goobaha keydka Hubka Kiimikada ah ee dalka Syria.

Sergey Lavrov,ayaa sheegay in dalalka Turkiga,Iraan iyo Ruushka ay wadaan xal u raadinta mushkiladaha Syria,waxaase uu sheegay in waddamo uu hoggaamiyo Mareykanka ay ka shaqeynayaan bur burinta dadaallada Ruushka iyo xulafadiisa.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment