954 Views

Jadwalka doorashada Madaxweynaha Galmudug oo la soo saarey

Jadwalka doorashada Madaxweynaha Galmudug oo la soo saarey
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 21 -2020—Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo ka kooban 13 Xubnood ayaa Maanta waxaa ay soo saareen Jadwalka doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa.

 

Xubnaha Guddiga ayaa Maanta waxaa ay doorteen guddoomiye iyo kuxigeenkiisa,iyaga oo isla Maanta soo saarey jadwalka doorashada Madaxweynaah iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug.

 

 

 

Qoraal kasoo baxey guddiga ayaa lagu shaaciyey in 24 ilaa 25 ay qabsoomi doono diiwaangelinta musharixiinta,halka 26 ilaa 27 la dhageysan doono khudbadaha musharixiinta Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa.

 

Guddiga ayaa ugu dambeyn sheegay in doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ay dhaceyso 30-ka Bishaan Janaayo ee sanadkaan 2020.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment